Mandheera (Raxanreeb ) Wararka maanta oo Jimcaha naga soo gaaraya degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah la dhigay xadka labada magaalo ee Beledxaawo & Mandheera.
Arintan ayaa ka danbeysay ka dib markii halkaas uu ka dhacay qarax lagu soo raray gaari dameer waxaana ku dhaawacmay laba askari oo Kenyan ah oo xad ku sugnaa.
Dad ku sugan degmada Beledxaawo ayaa sheegay in ciidanka Kenya maanta ay diideen dhaq dhaqaaqa , ka dib qarax halkaas ka dhacay shalay.
Warbaahinta Kenya ayaa ku warantay in laamaha amniga Mandheera ay ku howlan yihiin sidii loo dar dargalin lahaa amaanka magaalada Mandheera.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Al-Shabaab, oo ah koox fadhigeedu yahay Soomaaliya, xiriirna la leh Al-Qaacida ayaa la aaminsan yahay iney ka dambeysay.
Xaaladda hadda waa ay degan tahay waxaana ciidanku ay wadaan howlgal ay amniga ku sugataan.
Leave a Reply