Muqdisho (Raxanreeb) — Caasimada Muqdisho, ayaa xalay ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu dabaal dagayay aqoosiga degmonimo ee uu bixiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo xalay ka dhacay degmada cusub ee Gubadley, oo dhowaan laga dhigay degmo.
Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah, loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay duqa magaalada Muqdisho, ra’iisul wasaare hore Cali Maxamed Geedi, golayaasha Dowladda, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa isugu yimid.
Ra’isulwasaare hore Cali Maxamed Geeddi, oo isna hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa ka sheekeeyay marxaladaha ay soo martay degmadan oo la aas aasay sannadkii 1985, fadhiso in loo aqoonsado Gubadleey degmo rasmi ah, iyagoo Xasan Sheekh ku bogaadiyay Duqa Muqdisho, iyo Wasiirka Arrimaha Gudadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa caasimadda Muqdisho, oo hadal ka jeediyay ayaa qiray in shacabka Gubadleey ay dulqaateen, balse ugu dambeyn ay guuleysteen, wuxuuna kula dardaamay inay ka wada shaqeeyaan horumarinta degmada Gubadleey.
“Deegaanka Gubadley waa dulqaatayoo caawa degmo ayuu u dabaal-dagayaa. Xamar waa isku cakiran tahaye aan u wada duubano” ayuu yiri.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa toddobaadkii hore ansaxiyay saddex degmo oo kala ah, Garasbaalleey, Daarusalaam, Gubadleey, kuwaas oo hore deegaano u ahaa halka hadda loo aqoonsaday in ay yihiin saddex degmo oo rasmi ah.