Nin ka tirsan Al-Shabaab oo u dhashay dalka Yemen oo lagu qabtay Galgaduud

Nin ka tirsan Al-Shabaab oo u dhashay dalka Yemen oo lagu qabtay Galgaduud

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa dib u xoreynta deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer eegobolka Galgaduud bartamaha dalka, ayaa maanta gacanta ku dhigay nin Ajanabi ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Nin ayaa lagu qabtay deegaan lagu magacaabo Mareeg oo ah deegaan ku yaalla xeebta, isla markaana hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud Soomaaliya.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo kuwa deegaanka ayaa helay xogta ninkan oo ku dhuumaaleysanayay ayaa howlgal baadi goob ah ka sameeyay xeebaha gobolka Galgaduud, kuwaas oo ugu danbeena ku guuleeystay in ay gacanta kusoo dhigaan.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka oo inoo sheegay in ninkan uu ka mid ahaa tiro maleeshiyaad ah, oo ka ka firxaday kooxda Al-Shabaab, kaddib markii ay ku jabeen dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolkaasi.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in dhowr habeen ay ciidanku ku raad joogeen ninkan hadda la qabtay iyo labo kale, kuwaas oo go’doon ku ahaa howdka degmada Ceeldheer.

Ninkan ayaa sheegay in asal ahaan uu kasoo jeedo dalka Yemen, sidoo kalena ay la socdeen labo xubnood oo kale mid ka mid ahna Soomaali yahay halka kan kalena uu kasoo jeedo dalka Yemen.

Sidoo kale ninkan ayaa saraakiisha u xaqjiiyay in labada nin ee kale ay hawdka gaajo ku dishay oo hadda meyd ay yihiin baahi darted u geeriyoodeen maadaama ay muddo ku go’doonsanaayeen.

Al-Shabaab, ayaa toddobaad ka hor weerar culus oo dhowr jiho ah oo qaraxyo is-miidaamin ah ku billowday ku qaaday magaalada Ceeldheer oo muddooyinkii danbe ay dhaqdhaqaaqyo milateri ka wadeen ciidamada dowladda ee halkaasi la geeyay.