Xildhibaannada Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlaya weerarada ka dhacay Muqdisho

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlaya weerarada ka dhacay Muqdisho

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho mid kamid ah kulamadooda caadiga ah.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay Xildhibaannada u diray farriin lagu wargelinayay in uu jiro Kulanka Golaha Shacabka, isla markaana xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan Kulanka Maanta.

Ajandaha Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay sii wadista dooda la xiriirta dhismaha Hay’adaha, kaas oo Sabtidii todobaadkaan ay Xildhibaannada Golaha Shacabka doodiisa billaabeen.

Inta uu socdo Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa inay Xildhibaannada ka hadlaan falalka amni darro ee ka dhacay Magaalada Muqdisho 48-dii Saacadood ee la soo dhaafay oo ugu dambeeyay weerarkii xalay ee Maqaayadda Top Coffee ee degmada Boondheere.

Leave a Reply

Your email address will not be published.