Ciidanka dowladda oo dagaal kula wareegay degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Ururka 39-aad guutada 5-aad qeybta 27aad iyo Ururka 10-aad ee Kumaandooska Xds gorgor iyo dadka degaanka ayaa Ururka Al-Shabaab kula dagaalamay howdka degaano hoosyimado  Murcudka ee gobolka Hiiraan.

Saraakiishahowlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay in Ciidanka ay guulo waa weyn ka gaareen Al-Shabaab ayna ka dileen ilaa shan iyo taban ka mid ah, isla markaana kasoo furtay hub iyo saanad kale.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay la wareegayaan degaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.