Xildhibaanada Aqalka Hoose oo mooshin ka gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ay ku eedeeyeen maamul xumo.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Hoose ee Soomaaliya ayaa mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Macallin Fiqi u gudbiyay maamulka Wasaaraddiisa.

Mooshinkan ayaa si rasmi ah loo horgeeyay maanta oo Sabti ah hoggaanka baarlamaanka.
Xildhibaanadan ayaa Fiqi ku eedeeyay in uu dhexda u galay howlihii shaqo ee wasaaradda, iyagoona ku andacoonaya in marka uu safarka ku jiro wasiirka ay inta badan istaagto shaqada wasaaradda.

Waxa kale oo ay walaac ka muujiyeen shirkado gaar loo leeyahay oo lagu eedeeyay inay si khaldan u isticmaaleen shaambada wasaaradda, iyadoo lacago dheeraad ah lagu soo rogay muwaadiniinta adeegyada ay u qabtaan. Xildhibaanada ayaa ku andacoonaya in inta badan lacagaha la qaado aysan ku dhicin qasnada dowladda Federaalka.

Wasiir Fiqi ayaan weli ka jawaabin eedeynta loo soo jeediyay. Mooshinkan ayaa la filayaa in looga doodo kulamada baarlamaanka ee soo socda.

Fiqi ayaa hadda magaalada New York uga qeyb galaya dooda guud ee Kalfadhiga 79-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo qeyb ka ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.WhatsAppFacebookTwitter

Leave a Reply

Your email address will not be published.