Axmed Madoobe oo guddoomiye u magacaabay Gedo iyo guluf culus oo ka socda halkaas

Axmed Madoobe oo guddoomiye u magacaabay Gedo iyo guluf culus oo ka socda halkaas

Kismaayo (Raxanreeb online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qaaday tallaabo kale, oo la xiriirta gobolka Gedo, oo mar kale dhaq-dhaqaaqyo ay ka bilowday DF.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa maamul cusub u magacaabay gobolkan, kadib digreeto uu soo saaray, si uu uga hortago dhaq-dhaqaaqa dowladda dhexe ka wado halkaas.

Dhanka kale, guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Xuseen Isaaq (Alqaadi) oo beddalaya Cabdullaahi Shimbir oo hadda ah guddoomiyaha gobolka, balse ka horyimid Axmed Madoobe, toosna ula safray dowladda dhexe.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dhankeeda Gedo ka abaabuleyso dhaq-dhaqaaqo ciidan, si meesha looga saaro maamulka Axmed Madoobe.

Dowladda ayaa sidoo kale saanad milatari oo u badan Hub ka dajisay degmada Baardheere ee gobolka Gedo taas oo la gaarsiiyay qaar kamid ah ciidamada ku sugan degmadaasi.

Waxaa laga cabsi qabaa in dowladda duulaan toos ah markan ku qaado maamulka Jubbaland, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka oo ku sugan Gedo.

 Ugudambeyntii, lama saadaalin karo halka wax ku dambeyn doonaan waxaana arrimahan ay kusoo beegmayaan kadib markii lagu kala baxay dagaalkii Raaskambooni oo ay ku adkaatay Jubbaland, kadib markii hal maalin lagu soo afjaray ciidamadii lagu daabulay halkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.