Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa warar soo baxaya sheegayaan in uu saacadaha soo socda uu safar ku tagayo magaalada Adis Ababa ee caasinmadda dalka Itoobiya, halkaas uu kulamo xasaasi ah kula qaadan doono Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.
Sida ay soo warinayaan ilo lagu kalsoonaan karo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa martiqaad rasmi ah ka helay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, waxa uuna Adis Ababa ku tagi doonaa booqasho hal maalin ah, si uu kulamo halkaasi ula yeesho Abiy Axmed.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy, ayaa kawada hadli doono hirgalinta heshiiskii ay ku gaareen magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, waxa ay sidoo kale labada hoggaamiye kawada hadli doonaan kamid noqoshada ciidamada Itoobiya howlgalka cusub ee nabbad ilaalinta Soomaaliya.
Dhanka kale, wararka qaar ayaa sheegaya in suurtogal tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed kala saxiixdaan heshiisyo horleh oo ku aadan heshiiskii dhinaca badda ee ku gaareen magaalada Ankara, kaa oo Itoobiya loogu oggolaaday in qaab kiro ah loo siiyo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale la filayaa in uu tago magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas uu ka ka dhacayo shirweyne ay ka qeyb galayaan madax kala duwan.
Sikastaba, tan iyo waxii ka dambeeyay heshiiskii ay Ankara ku gaareen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ,waxaa magaalooyinka Adis Ababa iyo Muqdisho kala gaaray wafdi wasiirro ah oo labada dal ka kala socday, kuwaa oo kawada hadlayay hirgelinta heshiisyadii horey loo gaaray iyo kuwa cusub.
Leave a Reply