Wasiir Fiqi oo kulan xasaasi ah la qaatay wasiirka warshadaha difaaca ee Azerbaijan

Wasiir Fiqi oo kulan xasaasi ah la qaatay wasiirka warshadaha difaaca ee Azerbaijan

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha Difaaca ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Vugar Valeh oglu Mustafayev.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, gaar ahaan sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd waaya-aragnimada iyo khibradaha Azerbaijan ee dhanka warshadaha milatari iyo horumarinta awoodda difaaca qaranka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay dowladda Azerbaijan taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee caqabadda ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka

Leave a Reply

Your email address will not be published.