Guddoomiyaha golaha shacabka oo maanta gaaray degmada Xudur

Guddoomiyaha golaha shacabka oo maanta gaaray degmada Xudur

Xudur ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano, ayaa maanta soo gaaray magaalada Xuddur, xarunta gobolka Bakool.

Wafdiga Guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Xuddur si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyadoo ay sidoo kale goob-joog ahaayeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Xuddur.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Xuddur, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la filayaa inuu kulammo kala duwan la qaato maamulka gobolka Bakool, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, iyo saraakiisha ciidamada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo taageerada dowladda dhexe ee heer gobol.

Leave a Reply

Your email address will not be published.