Guddoomiyaha maxkamadda ciidanka Jubbaland oo farriin adag u diray ciidamada

Guddoomiyaha maxkamadda ciidanka Jubbaland oo farriin adag u diray ciidamada

Kismaayo (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa booqasho dhiirrigelin ah la yeeshay ciidamada ku sugan furimaha hore ee deegaanka Cabdalle Biroole, ee gobolka Jubbada Hoose.

Ujeedka Booqashadaan guddoomiyaha maxkadda ayaa iskugu jirtay dhiirigelinta iyo Shaqada garsoorka, Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehelinayay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Garsoorka.

Geesta kale Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee dowlad goboleedka Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hogaanka ciidamada Jubbaland ee jooga deegaanka Cabdalle Biroole, waxa ayna kulankaasi ku falanqeeyeen xoojinta howlgalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay shacabka ula dhaqmaan si wanaagsan oo kalsooni leh, taasoo sal u noqon karta iskaashi dhameystiran oo lagula dagaalamo cadowga nabadda u diidan Shacabka.

Dhanka kale, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim aya waxa uu Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan Furimaha hore ku ammaanay geesinimada, adkaysiga, iyo naf-hurnimada ay muujinayaan, isagoo sheegay in dadaalkooda uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu difaacayo jiritaanka dowlad goboleedka Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sikastaba, Booqashadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay Booqashooyin dhiirigelin ah iyo Howlaha Garsoorka oo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim uu tagayay Furimaha hore ee Ciidamada kala duwan ee Jubbaland ku sugan yihiin jiida hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.