Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Ghana u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Robert Afriyie.
Wasiir Cabdisalaam ayaa si diirran u soo dhoweeyay Danjire Afriyie oo guda-galaya howlaha loo igmaday, isaga oo diiradda saaray xiriirka saaxiibtinimo iyo is-fahanka dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah, carabaabayna rajada uu ka qabo soo banbixinta dhabbooyin iyo habab cusub oo kor loogu qaadayo xiriirka iyo iskaashiga labo dhinaclaha.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho,
safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Suleiman Dedefo Woshe.
Wasiirka ayaa u rajeeyay Danjire Woshe inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, isaga oo caddeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya si sare loogu qaado xiriirka dhow iyo isfahamka labada dhinac.


Leave a Reply