MW Xasan Sheekh oo feryahanad Ramlo Cali guddoonsiiyau shahaado Sharaf

MW Xasan Sheekh oo feryahanad Ramlo Cali guddoonsiiyau shahaado Sharaf

Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada qaranka ku qaabilay xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah Marwo Ramla Cali oo dalkeenna ku matasha ciyaaraha feerka caalamiga ah.

Madaxweynuhu ayaa bogaadiyey doorka iyo dedaalka Ramla Cali, iyadoo ku adkaystay una dhabar adaygtay mataaladda qarankeeda, waxa uuna ku tilmaamay astaan dhiirrigelin iyo midnimo oo ay ku faanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Ramla Cali, isaga oo uga mahadceliyey dadaalkeeda, sumcadda ay dalka u soo hoysay iyo kaalinta ay ku leedahay dhiiri-gelinta ciyaaraha Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.