Muqdisho ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa iska horimaad kooban oo u dhaxeeyay ciidamo katirsan dowladda oo maanta ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.
Iska horimaadka ayaa u dhaxeeyey ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa NISA, waxaana uu yimid kaddib markii ciidanku ay isku qabteen lacago lagu qaado bar koontorool oo ku sugan yihiin ciidanka Haramcad.
Weli si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka. Mana jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka dowladda.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana hakad galay isku socodka wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo ciidamo kawada tirsan dowladda, ay ku dagaalamayaan Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana inta badan iska horimaadkaas uu khasaaro ka soo gaaraa dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Leave a Reply