Muqdisho ( Raxanreeb Online) Faah faahino hordhac ah ayaa laga helaya qarax ismiidaamin ah oo gordhaweyd lagu weerar xarunta hay’adda nabad sugida Godka Jilaco ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in gudaha xarunta nabad sugida laga maqlayo rasaas toos ah, taasi oo u dhaxeeysa raga hubeysan ee gudaha u galay xarunta nabad sugida ee godka Jilacow.
Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinaya in ciidamo badan oo dowladda ah ay ku sii qulqulayaan goobta, si ay u soo afjaraan weerarka.
Welisi rasmi ah looma oga khasaaraha uu geystay qaraxa, maadama ay xaalada cakiran tahay, isla markaana isku socodka goobta istaagay.
Xarunta hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, ayaa ku taalla degmada Boordheere ee gobolka Banaadir.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply