Puntland oo wada qorsho ay kaga hortageyso aanooyinka qabiil

Puntland oo wada qorsho ay kaga hortageyso aanooyinka qabiil

Gaalkacyo ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifo-jabsade ayaa sheegay in ay dhowaan qaadi doonaan tallaabo adag oo ka dhanka ah aanooyinka qabiilka.

Guddoomiye Jifo-jabsade ayaa tilmaamay in dowladda Puntland ay qorshe ka dejisay aanooyinka qabiilka, kaas oo ah in ciidamo tababaran la keeno gobolka, si ay wax uga qabtaan arrintaas.

Wuxuu sheegay in dhawaan magaalada Gaalkacyo laga mamnuuci doono qof qori wata, sidoo kale hadda kaddib qofkii wax dila tallaabo laga qaadi doono, arrintaasna ay saxiixeen odayaasha qaarkood.

“Waxaa imanaysa xilli qof kor u hadli kara uusan jirin, waxaa imanaysa xilli qof qori wata uusan jirin, ciidamadamaas markay yimaadaan baan dadka isbaranaynaa” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug Feysal Sheekh.

“Wiil tuug ah oo qof dilay in tallaagad la gashado sax maahan, mana aqbalayno, cidii gashatana waa la xiri doonaa” ayuu raaciyay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay dilalka salka ku haya aargoosiga aanooyinka qabiilka, kuwaas oo sababay in dad badani ka falceliyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.