Ciidanka badda ee Talyaaniga oo badbaadiyay doon tahriibayaal waday oo degtay

Talyaaniga ( Raxanreeb Online( Ciidanka Ilaalada Xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in 2 ku qof dhinteen, ilaa 91 qof oo kalena la soo badbaadiyey kadib markii dooni siday tahriibayaal isugu jira Soomaali, Pakistaniyiin iyo Eratariyaan ay ku xumaaday meel u dhaw Jasiirada Laambaduusa ee badweynta Mediterraneanka.

Warkan ka soo baxay Talyaaniga ayaa lagu sheegay in doonida tahriibayaasha siday ay badweynta dhex heehaabaysay, kaddib markii ay xumaatay, waxaana dadka tahriibayaasha ah ee la soo badbaadiyey ay xaaladooda caafimaad aad u xun tahay in ka badan 14 qof oo laga dhigay cubitaalada Talyaaniga, si xaaladooda loola tacaalo.

Jasiirada Laambaduusa ayaa noqotay xarun ay ka dhacaan masiibooyinka ugu badan ee tahriibayaashu, iyadoo Jimcihii la soo dhaafay la waayey dooni ay la socdeen 20 qof oo tahriibayaal ah oo aan nolol iyo geeri lagu haynin sida ay Ilaalada Xeebaha Talyaanigu sheegeen, halka sidoo kale la waayey 30 tahriibayaal kale ah oo iyagana dooni badda kaga xumaatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.