Dowladda Somalia oo shaacisay in rashiinkii gargaarka ee laga baxsaday dekadda Muqdisho dib loo celiyay

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasaaradda arrimah dibadda ee Soomaaliya, ayaa xaqiijisay in dhammaan raashinkii iyo gargaarkii laga qaatay bakhaar ku yaalla Dekedda Muqdisho, dib loogu celiyay hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) kaas oo ay bixisay Mareykanka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa mas’uuliyadda dhacdadaas ku sheegtay mid aan la aqbali karin, waxayna sheegtay in ay ka qoomamanayso oo ay tallaabo ka qaadi doonto cidi lagu helaa falkaasi.

Tallabada ayaa timid markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay si loo sugo amniga Cuntada iyo in aan la dhicin, loogu geeyay bakhaar ku yaalla dekadda Muqdisho.

Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay sheegtay in ay hay’adda WFP siisay bakhaar ka ballaaran kana habboon kii hore, oo ku yaalla isla aagga dekedda, isla markaana ay ballanqaadday in ay xoojin doonto wada shaqeynta iyo is-dhaafsiga macluumaadka wakiilada caalamiga ah si looga hortago dhibaatooyin la mid ah tan oo mustaqbalka timaada.

Geesta kale war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay falkaasi,uu yahay mid aan la qaadan karin, isla markaana ay waajib tahay Galayda laga qaatay Bakhaarka ku yaalla dekadda Muqdisho lasoo celiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.