Muqdisho (Raxanreeb Online) Xarunga golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo aad u xooggan tan iyo saakay, kaddib markii ciidamo ka tirsan Booliska Federaalka lagu soo daadiyay gudaha hoolka Golaha Shacabka, si ay uga hortagaan suurta galnimada xildhibaanada qaar inay carqaladeeyaan fadhiga maanta.
Ilo wareedyo ku sugan gudaha xarunta Golaha Shacabka ayaa xaqiijiyay in askar hubeysan ay si buuxda ula wareegeen ammaanka hoolka, ayna hor istaageen xildhibaano doonayay inay gaaraan minbarka hadalka.
Xildhibaanada qaar ayaa sheegay, in askarta ay ugu goodisay in ay rasaas adeegsan doonaan haddii xildhibaan isku dayo inuu hadal jeediyo oggolaansho la’aan.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu arkay banaanka hoolka Baarlamaanka, halkaas oo uu ka hagayay howlaha amniga, arrintaas oo ay mucaaradku ku tilmaameen mid lagu ilaalinayo dano siyaasadeed oo gaar ah, halkii laga sugi lahaa badbaadinta madax-bannaanida Baarlamaanka.
wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply