Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis militari

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis militari

Riyadh (Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa heshiis iskaashi ciidan ah la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sucuudiga, Sumuwal Amiir Khaalid Bin Salmaan.

Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada difaaca iyo milatariga ee labada dal, waxaana uu diiradda saaraya arrimo kala duwan oo ay wada daneynayaan Soomaaliya iyo Sucuudiga, gaar ahaan amniga, tababarrada ciidamada iyo is-dhaafsiga khibradaha ciidan, sida lagu sheegay hadal qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Sucuudiga wuxuu doonayaa inuu door firfircoon ka qaato amniga badda cas iyo geeska Afrika, isaga oo diyaar u ah in uu Soomaaliya ka taageero dhanka agabka iyo tababarka ciidanka.

Dalka Sucuudiga waxaa ku sugan wafdi ka mid ah dowladda Soomaaliya oo ay kala hoggaamninayaan wasiirka gaashaandhigga, wasiirka amniga iyo taliyaha ciidanka booliska, kuwaas oo shalay ka qaybgalay furitaanka bandhigga difaaca ee Riyaad 2026.

Leave a Reply

Your email address will not be published.