Ciidamada Jubbaland oo gacanta ku dhigay warshadii qaraxyada ee kooxda AS

Ciidamada Jubbaland oo gacanta ku dhigay warshadii qaraxyada ee kooxda AS

Kismaayo (Raxanreeb Online) Ciidamada sirdoonka & nabadsugida Jubbaland iyo kuwa daraawishta Jubbaland ayaa gacanta kudhigay warshadii Miinada ee kooxda Al-shabaab ay ku lahaayeen dhulka Badda-madaw ee u dhaxeya Raaskaambooni & Badhaadhe, gaar ahaan lagta Hola-wajeer iyo agagaarkeeda.

Ciidanka Jubbaland ayaa hal meel kaliya kasoo qabtey 90 xabo oo miino ah iyo warshadii lagu samaynayey miinoyinkan. 

Waxaa kale oo lasoo qabtey miinoyin badan.  Waxaa magaalada Raaskaambooni lakeenay maydadka kudhawaad 50 kamida aragagixisada Shabaab oo aagas lagu laayey.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay, ayaa sheegay in miinoyinkan ay Al-shabaab u qorsheeyeeen in shacab lagu waxyeeleeyo, balse ay ka hotageen ciidanka Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.