Dowladda oo beenisay in dalka ay ka ceyrisay safiirkii Imaaraatka u fadhiyay Soomaaliya

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa si kulul u beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta, kuwaasi oo lagu tilmaamay in dowladda ay go,aan ka gaartay in dalka laga ceyriyay safiirkii Imaaraatka u fadhiyay Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa lagu sheegay in eedeymahaas ay yihiin kuwo aan sal iyo raad laheyn, isla markaana ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Sidoo kale wasaaraddu si adag ayaa sheegtay in sheegashooyinkan, ay yihiin ku qalad ah, waxayna ugu baaqday dhammaan hay’adaha warbaahinta iyo isticmaalayaasha baraha bulshada inay muujiyaan saxnaan, xirfadnimo, iyo mas’uuliyad, isla markaana ay ku tiirsanaadaan xogaha rasmiga ah marka ay faafinayaan wararka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ka digtay  faafinta warar khaldan oo lagu wiiqayo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya dalka Imaaraatka Carabta.

Muddooyinkii dambe waxaa jiray khilaaf soo kala dhex-galay Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta, kaasi oo salka ku hayay in Imaaraatka uu ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah uu soo marsiiyo garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, kuwaasi oo ka barbar dagaalamayay ciidanka RSF ee Sudan.

Tan iyo markaasi waxaa xumaaday xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraatka, kaasi oo markii dambe banaanka u soo baxay, kaddib markii ay dowladda Imaaraatka ay ciidamo iyo saraakiil kaga sugnaa dalka ay la baxday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.