Roobab xooggan oo ka da’ay Muqdisho sameyna ku yeeshay isku socodka caasimada

Roobab xooggan oo ka da’ay Muqdisho sameyna ku yeeshay isku socodka caasimada

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Magaalada Muqdisho, waxaa xalay ilaa iyo saakay ka da’ay roob xooggan oo sameeyn ku yeeshay isku socodka waddooyinka iyo caasimada iyo xaafadaha, waxaana joogsaday isku socodka magaalada.

Waddooyinka uu sameeyey roobka, waxaana kamid ah wadada 21 Maajo, wadada aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, jidadka Warshadaha, Sodonka iyo waddooyin kale ee muhiimka ah.

Gaadiidka yaa saxmad ku galaya wadooyinka yar ee furay, waxaana jidadka qaar lagu arkaya dad lugeynaya, sababo la xiriira jidadka qaar oo aysan gaadiidka mari karin.

Sidoo kale roobka xalay waxa uu sameeyn ku yeeshay dadka danta yar ee ku nool duleedka Muqdisho, kuwaasi oo daggan guryo ka sameeysan xuushado oo aan roobka ka celin Karin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.