Ergo ka socota Villa Somalia oo kulan la leh madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa goordhaw guriga uu xaafada Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, ka deggan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, gaaray Ergo ka socota Villa Somalia, kuwaasi oo halkaasi u tagay in ay wadahadal la yeeshaan Madaxweyne Shariif.

Ergadan oo isugu jirta xildhibaano katirsan labda ee Baarlamaanka, Ugaasyo iyo mas’uuliyiin kale ayaa la filaya in kulankooda diirada lagu saaro xaalada siyaasada Soomaaliya oo meel xasaasi ah taagan.

Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in Ergada ka socota Villa Somalia, ay doonayaan in madaxweyne Shariiif kala hadlaan sidii looga baaqsan lahaa banaanbaxa mucaaradka ee Berri, iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadlo dhex-maray dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Weli macluumaad intaas dhaafsan lagama hayo kulanka Ergada ka socota madaxtooyada iyo xubnaha mucaaradka oo xiligaan ka soconayo guriga madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.