Muqdisho (Raxanreeb ) Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame kana mid ah Ergeyaasha Madaxweynaha ayaa Warqad ku taariikhaysan 29-ka May 2023 u diray Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu u soo jeediyay inuu qanciyo oo miiska wada-hadalka ku soo celiyo Puntland.
Cabdiraxmaan Cabdiashuur ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiiska ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aamiyay nooc doorasho oo qof iyo cod ah iyo laguna beddalay nidaamkii hore ee dowladnimada, sida lagu caddeeyay heshiiska la saxiixay.
Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran uu gaaray ee ah in shacabka awood loo celiyo oo doorasho qof iyo cod laga qabto dalka ayuu sheegay inay tahay tallo wanaagsan, oo waafaqsan dastuurka, laakiin habraacyada iyo hannaanka lagu hirgelinayo ee Goluhu soo saaray ay baalmarsan yihiin qodobka 47aad ee Dastuurka dalka.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “In la beddalo nidaamka Baralamaaniga ah, loona guuro nidaamka madaxtooyada waa go’aan u baahan talo siyaasadeed iyo taageero bulsho”.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale caddeeyay in muddo-kororsi loo sameeyo maamulgobaleedyada iyo dawladda Federaalka ahba ay noqonayso aafo siyaasadeed. Waxaana uu su’aal geliyay waxa dhici kara haddii ay suurtoobi weydo in June illaa December 2024 la qabto doorashooyinka.
Tallooyin dhowr ah ayuu xildhibaanku ku soo gudbiyay warqadiisan tooska ugu socotay Madaxweynaha; waxaana talooyinkaas ka mid ah in la qabto shirweyne wadatashi qaran ah oo ay ka soo qeybgalayaan siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Leave a Reply