DFS  oo u gacmo qabanaysa Ahmed Madoobe dadka Gedo

DFS  oo u gacmo qabanaysa Ahmed Madoobe dadka Gedo

Muqdisho (Raxanreeb ) Jahwareer ayaa ka taagan degmooyinka gobolka Gedo halkaas oo  hakad uu galay duulimaadyada  diyaaradaha ee gobolkaas ka dib go’aan ka soo baxay maamulka Gedo.

Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay isku dayayso , in xubno ka mid ah maamulka Axmed Madoobe ay gayso degmooyinka gobolka Gedo , iyadoo uu  taagan yahay khilaafka Kismaayo & Garbahaaray.

Xanibaadan ayaa saamayn waxa ay ku yeelatay dad badan oo doonayay in ay u safraan degmooyinka gobolka Gedo , kuwaas oo xanuunsan ama ganacsata ah.

Marka laga soot ago go’doonka  diyaaradaha ee degmooyinka gobolka Gedo waxaa  jiray khilaaf in muddo ahba ka dhax jiray NISA iyo saraakiisha amniga ee gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku dayaysa , in ay gobolka Gedo ay gayso  sida wararka la helayo ay sheegayaan xubno ka socda maamulka Jubbaland ee Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Siyaasadda gobolka Gedo ayaa ah mid aan sal fadhin in muddo ah , waxaana ku loolamaya maamulka Jubbaland iyo Dowladda Soomaaliya walina ma jirto wax xal ah oo laga gaaray.

Gobolka Gedo waxa uu ka mid yahay gobolada  siyaasad ahaan diidan maamulka Jubbaland , waxaana aad u xumaa sanado oo la soo dhaafay khilaafka Ahmed Madoobe iyo siyaasiinta qaar ee  gobolka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.