Addis Ababa (Raxanreeb Online) Dalalka leh dad ka badan 130 milyan sida Ethiopia waxay u baahan yihiin dekeddo kala duwan si loo hubiyo horumar waara, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed khudbaddiisii uu ka jeediyay Shirka Sare ee Midowga Afrika.
Fariintiisii uu u diray Shirka 39aad ee Midowga Afrika, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inay tahay “asaasi” in la hubiyo helitaanka bad amaan ah iyada oo loo marayo iskaashi nabdoon.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay muhiim tahay in dalalka Geeska Afrika ay yeeshaan deked ammaan ah oo loogu talagalay horumar dhaqaale mustaqbalka iyo xasillooni waarta.
Waxa uu intaas hadalkiisa ku daray Abiy in hadda ay ku jiraan marxalad kala guur, balse loo baahan yahay is-aaminaad iyo midnimo.
Itoobiya ayaa marar badan muujisay xiisaha ay u qabto dekedda. Hore, Abiy wuxuu sheegay in 130 milyan oo qof aysan noqon maxaabiis juqraafiga, ayaa yiri Abiy Ahmed.
Ugu dambayn Abiy Ahmed ayaa sheegay in helitaanka dekedda badda ku tilmaamay arrin jiritaan oo muhiim u ah Itoobiya.

Leave a Reply