Abwaan Nageeye oo 100 maalmood kadib soo muuqday

Abwaan Nageeye oo 100 maalmood kadib soo muuqday

Muqdisho (Raxanreeb) — Abwaan Nageeye Cali Khaliif, oo sannadkii hore bishii October Dowladda Federaalka, ay sheegtay in uu aaday dhanka kooxda Al-Shabaab, ayaa goordhoweeyd soo geliyay bartiisa Facebook qoraal kooban.

Abwaanka oo la la’sanaa muddo dhowr bilood ayaa maanta bartiisa Facebook ku sheegay in uu nabad qabo, dibna ka sheegi doono sida ay wax u dhaceen.

“Salaan iyo galab wanaagsan Soomaali dhammaantiinba. Boqol maalmood ka dib, waan ku faraxsanahay in aan ku soo laabtay Facebook. Hadal hayntuna kollay way iska badnayd. Aniga ayaa dhawaan ka hadli doona” ayuu yiri.

Nageeye, ayaa qoraalkaasi soo raaciyay sawir isagoo saaran mid ka mid ah, gawaarida raaxada ah, kaas oo u muuqda in loogu qaaday meel duur ah.

Abwaan Nageeye, ayaa ahaa bare Jaamaca Ummadda Soomaaliyeed, isagoona ahaa mid dadka intiisa badan ay yaqaanaan, ayaa la sheegay in uu ka mid noqday kooxda Al-Shabaab, bishii October.

Sidoo kale Abwaanka ayaa la baahiyay sawirradiisa isaga oo booqanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe sannadkii 2021, halkaas oo Al-Shabaab, ka arrimiso.

Arrinta Nageeye, ayaa layaab iyo amakaak ku noqotay bulshada Soomaaliyeed, oo qaarkood ku xirnaa bartiisa Facebook halkaas oo qoraallo badan uu kusoo qori jiray.

Abwaan Nageeye, ayaa maanta u buuxsantay 100 maalmood inta la la’aa muuqiisa iyo maqalkiisa walow ay jireen dad badan oo baraha bulshada ku sheegayay in ninkani ay khaarijiyeen NISA.