Abwaan tagay Jilib oo ku biiray Al-Shabaab

Abwaan tagay Jilib oo ku biiray Al-Shabaab

Jilib (Raxanreeb) — Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Al-Shabaab isku dhiibay Abwaan Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo garan ogyahay (Jeesto), oo kamid ahaa dhallinyarada kasoo jeeda gobollada Waqooyi, gaar ahaan magaalada Hargeysa, kaas oo muddooyinii ugu danbeeyay joogay gudaha magaalada Muqdisho.

Abwaanka ayaa la waayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaana lasoo wariyay in uu gaaray magaalada Jilib ee Jubbada Hoose, oo hadda ay gacanta ku haayaan kooxda Al-Shabaab, isagoona la sheegay in uu ku biiray kooxda Al-Shabaab.

Ilo warewdyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Abwaanku uu gaaray magaalada Jilib, ayna soo dhoweeysay kooxda Al-Shabaab.

Arrinta Abwaanka, ee aadista dhulka Al-Shabaab, ayaa si weeyn maanta u haysata Baraha Bulshada, ay kuwada xiriirto iyo guud ahaan warbaahinta maxalliga ah.

Sidoo kale Abwaanka, ayaa waxaa horey u xiray hay’adda NISA, tuhun soo galay awgiisa, iyo in uu Baraha Bulshada, ka taageeray kooxda Al-Shabaab, balse waxaa damiintay mid ka mid ah, xildhibaannadiisa, ugu danbeeyna wuxuu u goostay degmada Jilib ee Jubbada Hoose.

Ma jiro wax hadal ah, oo kasoo baxay Laamaha Amniga, ee Dowladda Soomaaliya, ee ku aadan wararka sheegaya ku biirista Abwaanka kooxda Al-Shabaab.

Horey sidaan oo kale waxaa dhanka Al-Shabaab, u goostay Abwaan Negeeye khaliif, oo isna asal ahaan kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

Nageeye ayaa warkiisa la weysana tan iyo markii la sheegay inuu Al-Shabaab uu galay, hase yeeshe muddo 100 maalmood kaddib ayui qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku muujiyay inuu nabad qabo, uuna dib ka faah-faahin doono sida ay wax u jiraan.

“Salaan iyo galab wanaagsan Soomaali dhammaantiinba. Boqol maalmood ka dib, waan ku faraxsanahay in aan ku soo laabtay Facebook. Hadal hayntuna kollay way iska badnayd. Aniga ayaa dhawaan ka hadli doona,” ayuu Abwaan Nageeye ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxaa isna sannadkii 2022-kii goostay Sheikh Aadan Sunne, ayaa sheegay in markii uu xiray maamulka Somaliland loo gacan galiyay qolada la-dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay u geysteen jirdil daran oo saameyn weyn ku reebay xaaladiisa caafimaad.

“Hargeysa ayaa ka ku noola, dhibaatadii iga qabsatay (xarigayga) caloosheyda waxa ku jira saab aadame sameeyay. Nimanka ay carbisteen gaalada ee askarta u ah qolada Somaliland ayaa si kasta katiinad igu ceejiyay,” ayuu yiri.

“Waxay kabta weyn ee qadha ah beerka nooga tunteen oo weliba meel maskax iyo hilib halbowle ah mid looga nixin ayaa na-loogu tuntay, waxaana naloo dhibay waa Diinteena” ayuu raaciyay.

Aadan Sunne ayaa sidoo kale muuqaalkan oo soconaya in ka badan 30 daqiiqo ku dhiiri-gelinaya dagaal-yahanada kooxda, isaga oo ku baaqay in qeyb laga noqdo jihaadka iyo dagaalka ay ku jiraan Shabaab.