Wakiilka QM Catriona Laing  oo shaqada ka tagaysa , maxaa sababay ?

Wakiilka QM Catriona Laing  oo shaqada ka tagaysa , maxaa sababay ?

Muqdisho (Raxanreeb )- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa la xaqiijiyay in shaqada ay ka tagaysa bisha May.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  ayaa la sheegay inay ka codsadeen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay in la beddelo Catriona Laing oo hal sano.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto iyo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah, ay sii wadi doonaan door muhiim ah oo lagu taageerayo Soomaalida wadada nabadda iyo xasilloonida, aniga ahaan, Soomaaliya waa goob Rajada iyo saaxiibtinimada, waana sii wadi doonaa taageerada iyo u doodista Soomaaliya meel kasta oo aan joogo,” ayay tiri Ms. Laing.

Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay bixitaanka Danjire Laing ee la filayo bisha May 2024.

Catriona Laing, kuma cusba arrimaha Soomaaliya oo waxa ay madax ka ahaan jirtay Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sannadihii 1993 ilaa 1994kii.

Mrs. Laing, oo ah Dublamaasi rug-caddaa ah oo u dhalatay UK, ayaa ahayd Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya tan iyo horraantii May 2023.

Marka laga soo tago doorkeeda dublomaasiyadeed, Catriona Laing waxa ay soo qabatay jagooyin kala duwan oo ku saabsan waxaaha siyaasadeed ee dawladda iyo horumarinta caalamiga ah ee Britain, gaar ahaan waxa ay soo noqotay Ku-xigeenka madaxa qaybta Istaraatiijiyadda Xafiiska Ra’iisalwasaaraha Britain intii u dhaxeysay sannadihii 2000 ilaa 2004.

Catriona Laing ayaa ahaan jirtay Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Suudaan u qaabilsanayd Britain intii u dhaxeysay sannadadii 2006-2009.

Leave a Reply

Your email address will not be published.