Addis Ababa uu ka furmi doono shir lagu heshiisiinayo Soomaaliya & Itoobiya & wafdi gaaray.

Adis Ababa (Raxanreeb )- Xubno wafdi ah oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha Dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa ka degay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

Ujeedka wafdigan ayaa sida xogaha la helayo ay sheegayaan sii socodsiinta Wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Abiy Axmed oo khilaafkooda uu gaaray meel aad u fog.

Waxa ay wada- hadaladan daba socdaan shirkii Turky ee fashilmay ee lagu dhax dhaxadin ah oo u dhaxeeyay labada dal ee Soomaaliya iyo Turky.

Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa horay  kulan ugu dhexmaray dalka Turkiga. kulankaasi ayaa looga hadlay xadgudubkii Itoobiya ku sameysay Madaxbaanida Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiriirkooda xumaaday markii Itoobiya heshiis beenaad la gashay Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.