Boosaaso (Raxanreeb ) Ciidanka amniga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa in howlgal ay ka fuliyeen dhulka Buuraha Galgala ay gacanta ku soo dhigeen sarkaakiil ka tirsan Al- Shabaab.
Laamaha amniga magaalada Boosaaso ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhacay , buuraleyda Camaamo ee degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari, kadib xog ay ka heleen dadka Shacabka ah.
Sida ay saraakiisha Hay’adaha amaanka ay sheegeen howlgalkan waxaa lagu soo qabtay xubno uu ka mid yahay Maxamed Ibraahim Daaha islamarkaana ay u dhasheen dalalka Suuriya iyo Suudaan.
Waxa ay sheegeen saraakiisha amniga hoggaaminaysay in muddo ay ku raad joogeen xubnahan ay gacanta ay ku soo dhigeen ugu danbeyna ay ku guulaysteen howlgalkooda.
Intaas waxa ay warkooda ku dareen in ay sii socon doonaan howlgalada ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga deegaanada maamul goboleedka Puntland si gaar ah gobolka Bari.
Sanado badan Puntland ayaa dagaal adag waxaa uu kula jiray Kooxda Daacish-ta Soomaaliya, kuwaas oo badi ka dagaalama dhulka Buuraleyda ah ee gobolka bari
Leave a Reply