Akhriso:- Xog ku saabsan Kulanka RW Xamse iyo dhiggiisa dalka Ciraaq

Akhriso:- Xog ku saabsan Kulanka RW Xamse iyo dhiggiisa dalka Ciraaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Baghdad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq.

Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah oo dhawr cisho ah ku joogi doona dalka Ciraaq ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkan Ciraaq Ra’iisul Wasaare, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

Dalka Ciraaq ayaa muddo ka badan 20 sano waxaa ku dagaalamayay Ciidamada Mareykanka iyo Xulafadiisa iyo Kooxaha kasoo horjeeda, iyada oo dowladda dalkaasi ay xilligaan tahay mid u baahan in la garab istaago.

Leave a Reply

Your email address will not be published.