Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal amniga lagu sugayo ka fuliyay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.
Howlgaladan ayaa ah kuwo daba socda howlgalo xariir ah oo maamulka gobolka Banaadir uu ka wada degmooyinka Muqdisho si amniga wax loogu qabto.
Afhayeenka ciidanka Booliska Sadiikh – Doodishe ayaa sheegay wax laga qabtay dhacdooyinka yar yar ee amni darrada ah ee ka jiray gudaha caasimadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa xooga saartay tan iyo markii la guda galay bisha Barkaysan ee Ramadaan wax ka qabashada amniga magaalada Muqdisho
Dad badan oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa rumaysan in wali wax badan aan laga qaban amniga marka laga yimaado hadalka Madaxda laamaha amniga ee Dowladda.
Kuwa dhaliila Dowladda ayaa sheegaya in dhacdadii ugu danbeysay ee amniga caasimada shalay ay ahayd dilkii kalkaaliso ka tirsan isbitaalka Madiina loogu gaystay magaalada Muqdisho.
Kooxda Al- Shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda ayaa inta badan waxa ay sheegtaa in ay beegsatay xubno ka tirsan Dowladda inkastoo aysan sheegin dilka gabadhaas lagu dilay caasimadda
Leave a Reply