Dadka magaalada Muqdisho oo maanta Guryahooda ku xaniban

Dadka magaalada Muqdisho oo maanta Guryahooda ku xaniban

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xiray waddooyin muhiim ah oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dadka ku  nool caasimadda oo isku diyaarinaya maalinta ciida oo saacada uun ay inaga dhiman yihiin ayaa wajahay maanta xaalad adag oo xirnaanshaha wadooyinka ah.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah jidka Maka Al-mukarama, Isgoyska KM4, Soobe iyo Tarabuunka, halkaas oo lagu arkayo gaadiidka dagaalka.

Dadka shaqa tagga ah ayaa lugtooda maalaya halka kuwo kalena ay xaafadaha la dhexmarayaan Gaadiidka dadweynaha oo si dhuumaaleysi ah ku shaqeynaya,

Dowladda Soomaaliya ma aysan faahfaahin ujeedka loo xiray wadooyinka maanta oo dadka ay sooman yihiin beri ay isku diyaarinayaan sida la filayo maalmaha ciida

Leave a Reply

Your email address will not be published.