Dacwad-oogaha guud ee maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC ayaa Isniintii sheegay inuu doonayo in waaran qabasho ah loo diro ra'iisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, wasiirkiisa difaaca iyo saddex hoggaamiye oo ka tirsan ururka Xamaas.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Somaliland oo shaacisay in dhowaan ay dhaqan galineyso heshiiskii badda ee Itoobiya
Maamulka Somaliland, ayaa mar kale maanta sheegay in dhowaan uu fulin doono heshiiskii dhex maray iyaga iyo Itoobiya, kaas oo qeybo ka mid ah badda Soomaaliya uu ugu saxiixay Muuse Biixi, Abiy Axmed.
Sanbaloolshe oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis
Agaasimaha NISA, Cabdullahi Sanbaloolshe, ayaa maanta isbaddel ku sameeyay hoggaanka hay’adda Nabad-sugidda, Sirdoonka Qaranka ee NISA, isaga oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis cusub.
Iran oo yeelatay madaxweyne ku-meel gaar ah kadib geeridii Raisi
Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa xaqiijiyey in madaxweyne ku xigeenka dalka Mohammad Mokhber uu noqonayo madaxweyne ku-meel gaar ah kadib markii madaxweyne Ebrahim Raisi uu ku geeriyooday shil diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.
Mid ka mida diiyaarado Helikobter ah oo uu la socday madaxweynaha Iran oo shil gashay
Diyaarad Helicopter ah oo ay la socdeen kolonyo uu ka mid yahay Madaxweynaha Iran ayaa shil gashay, sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda.
Manchester City oo ku guuleysatay horyaalka markii afraad oo xiriir ah
Manchester City ayaa markii afraad oo xiriir ah ku guulaysatay koobka horyaalka Ingiriiska, markii ugu horreysay oo kooxi afar jeer oo isku xigta hanato, kadib markii ay 3-1 ku garaacday kooxda ay martida u ahayd ee West Ham United kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka Ingiriiska Axadii.
Xildhibaano dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray shil ka dhacay Garowe
Faah faahino dheeraad ah, ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay shil baabuur oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo ay dhimasho dhaawac ku noqdeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland.
Konton sano ayuu ku noolaa Ingriiska,hadda ayuuse ku baraarugay in uu sharci la’aan yahay
Nin 74 jir ah ,oo hawlgab ah oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Ghana ayaa hadda ogaaday in ay qasab tahay in uu sugo 10 sano oo kale ka hor inta aanu Xafiiska Arrimaha Gudaha ka helin deganaansho rasmi ah oo dalka Britain ah, inkasta oo uu ku noolaa ku dhawaad 50 sano.
Muuse Biixi oo sheegay in Al-Shabaab ay saacado ku qabsan karto Muqdisho
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay xuska 18-ka May ee aas aaska Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan amniga iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.
Ra’isulwasaare Xamsa Barre oo kulan la yeeshay Madaxweymaha Ciraaq Abdul Latif Rashiid
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Manama ee Dalka Bahrain, kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Mudane Abdul Latif Rashid.









