Hargeysa (Raxanreeb) — Maamulka Somaliland, ayaa mar kale maanta sheegay in dhowaan uu fulin doono heshiiskii dhex maray iyaga iyo Itoobiya, kaas oo qeybo ka mid ah badda Soomaaliya uu ugu saxiixay Muuse Biixi, Abiy Axmed.
Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) Wasiirka Warfaafinta ee maamulkaasi oo la hadlay BBC, qeybta Soomaaliga, ayaa sheegay in markii ugu horraysay safaarad buuxda ay Itoobiya u dalacsiisiisay xafiiskeedii magaalada Hageysa.
Wasiir Cali Mareexaan, ayaa la weydiiyay waxa ay ka yeelayaan hadalkii dowladda federaalka, ee ahaa in la xiro xafiiska Itoobiya ka sameysatay Hargeysa.
“Xafiiskaan waxaa la furay iyadoo Soomaaliya aysan dowlad ka jirin, xittaa mid ku meel gaar ah, in maanta ay dhahaan meel aysan ka talin safaarad ku taalla hala xiro, adinkuba waa ogtihiin in aysan macquul aheyn” ayuu ku jabaabay Wasiirka Warfaafinta Somaliland.
Wasiirka, ayaa sheegay in dowladda federaalka, ay kula talinayaan in ay ula dhaqanto in si walaalnimo iyo saaxiibtinimo ku jirto u dhaqanto, islamarkaana ay joojiso gardarada iyo waxyaabaha aysan awoodda u lahayn ee ay faragashaneyso.
“Heshiiskii aan Itoobiya la galnay wuxuu marayaa heer gabagabo ah, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maalin dhoweed sheegay in la dhaqan gelinayo, maalmaha soo socda ayaad arki doontaan talaabooyin lagu dhaqan gelinayo heshiiskaas,” ayuu yiri Wasiir Cali Mariixaan.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa munaasabadii 18-ka May ka sheegay in Somaliland, ay ka go’antahay dhaqan gelinta heshiiskii ay la gashay Itoobiya, isagoo dowladda Soomaaliya sheegay in aysan awood u laheyn inay hor istaagto dhaqan galka heshiiskaasi.
Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay safriikii Itoobiya, balse Itoobiya oo ka jawaabeysa tallaabadaas ayaa safiir u dalacsiisay qunsulkii u joogay magaalada Hargeysa, taasi oo ka dhigan in Itoobiya oo awoodi la’dahay inay aqoonsato Somaliland ay hadana u magacaabaneyso Safiir.