Muuse Biixi oo sheegay in Al-Shabaab ay saacado ku qabsan karto Muqdisho

Muuse Biixi oo sheegay in Al-Shabaab ay saacado ku qabsan karto Muqdisho

Hargeysa (Raxanreeb) — Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay xuska 18-ka May ee aas aaska Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan amniga iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya aysan xilligan lahayn awood buuxda oo ay ku hanan karto amnigeeda, kulana dagaalami karto.

Muuse Biixi, ayaa carabka ku dhuftay in haddii ciidamada Itoobiya ka baxaan dalka ay Al-Shabaab, saacado gudahood ku qabsan karaan Caasimada Muqdisho.

“Haddii ay Itoobiya ciidankeeda kala baxdo oo nabadda ka haya oo amnigooda haya gobolka Hiiraan, Bakool, Baay iyo Gedo waa Doolow, illaa Hiiraan, haddii ay ka baxaan saacado ayay Xamar ku qabsanayaan Al-Shabaab” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

“Itoobiya, haddii ay baxdo maxaa ku difaaceysaa, su’aasha ugu murunka badan ee uu caalamka is weydiinayo waa taas” ayuu raaaciyay.

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa weerar dhanka afka ah, ku qaaday Xasan Sheekh, isagoona sheegay in uu iska indha tirayo 33 sano ee lasoo dhaafay waxa ka dhacay dalka.

Biixi ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer, ayna yihiin laba waddan oo daris ah, uuna ka dhexeeyo wax wada qabsi.

“Xasan Sheekh waa war moog 33 sano ee ugu dambeeyay kumanaan Soomaali ah oo dhalinyaro ah oo rag iyo dumarba leh oo wax kusoo bartay Itoobiya ayaa maanta inta u badan tacliinta iyo caafimaadka ka haya Soomaaliya” ayuu yiri Biixi.

Hadalkan madaxweyne Muuse Biixi, ayaa kusoo aadaya iyadoo ay jirtay xiisad kacsanaan oo u dhaxeeysa Somaliland, iyo Dowladda Federaalka, taas oo ahayd arrinta badda, oo Muuse Biixi, heshiis is-afgarad ah, kula galay Addis Ababa, ra’isulwasaare Abiy Axmed.