Konton sano ayuu ku noolaa Ingriiska,hadda ayuuse ku baraarugay in uu sharci la’aan yahay

Konton sano ayuu ku noolaa Ingriiska,hadda ayuuse ku baraarugay in uu sharci la’aan yahay

London (Raxanreeb) — Nin 74 jir ah ,oo hawlgab ah oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Ghana ayaa hadda ogaaday in ay qasab tahay in uu sugo 10 sano oo kale ka hor inta aanu Xafiiska Arrimaha Gudaha ka helin deganaansho rasmi ah oo dalka Britain ah, inkasta oo uu ku noolaa ku dhawaad ​​50 sano.

Sanado badan, Nelson Chardy waxa uu aaminsanaa in uu si toos ah u qaatay dhalashada Ingiriiska, sababtoo ah waxa uu ku noolaa muddo dheer dalka dhibaato la’aan.

Laakiin waxa uu ogaaday runta sanadkii 2019, kadib markii uu ogaaday in ay qasab tahay in uu lacag badan bixiyo si uu u helo adeeg caafimaad sababtoo ah ma uusan soo buuxin habraacyada degenaashaha dalka.

Wasaaradda Arrimaha Guduhu kama hadlin arrintan.

Shardi waxa uu dalka Britain yimid sanadkii 1977-kii si uu u barto cilmiga xisaabaadka, isaga oo ku yimid fiisaha dal ku galka ee ardayda loo qoondeeyay, fiisaha ayaa sidoo kale u ogolaanayey inuu shaqeeyo.

Kadib afgambi militari oo ka dhacay Ghana, qoyskiisu uma soo diri karin lacag, sidaas darteed wuxuu bilaabay inuu shaqeeyo, wuxuuna u wareegay dhowr shaqo oo dukaamo ah, mana jirin cid waligeed weydiisay inuu tuso in haysto ogolaansho shaqo ama fiisaha degenaashaha Britain.

Ka dib waxa uu guursaday haweeney haysata dhalashada Ingiriiska, taas oo uu lasoo degay, waxa uuna furtay dukaan u gaar ah, ka hor intii aanay kala tagingxaaskiisa isaga oo markii danbe guursaday haweeney kale , taas oo u dhashay laba wiil oo kala ah Yacub iyo Aron.

Caruurtiisa ayuu si wanaagsan wax u baray, kadib markii ay jaamacad ka qalin jabiyeen, mid ka mid ah waxa uu noqday cilmi baare dhanka sayniska ah, halka kan kalena uu noqday Agaasime.

Sanadkii 2019, markii Shardi uu dalbaday baasaboor, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa u sheegtay in uusan markii horeba ahayn muwaadin, isla markaana uusan xaq u lahayn inuu ku noolaado Britain.

Bbc