Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo sidoo kale duleedkeeda, kuwaas oo lagu soo qabtay 4 nin.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Iran oo dal-dashay wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga
Warbaahinta Iran ayaa ku warrantay in Alireza Akbari oo u dhashay dalkaas heystana dhalashada Britain ayaa la dal-dalay kadib markii lagu eedeeyay in uu u basaasayay Britain.
Kenya oo beenisay in ay safaarad ka furaneyso Somaliland
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa beenisay warar la isla dhexmarayay baraha bulshada kaasoo ahaa in ay safaarad ka furan rabto Hargeysa Somaliland.
Ciidamada Dowladda oo kaabiga ku haya Xarardheere kaddib markii Al-Shabaab ay iskaga baxeen
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay ku dhow yihiin degmada Xarardheere oo ay shalay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.
NISA howlgallo ay sameeyeen kusoo qabtay Haweeney & walxaha qarxa
Askarta nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howl-gal ay xalay ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir waxay shaaciyeen in ay kusoo qabteen haweeney uu gurigeeda ku keydsanaa hub iyo wax-yaalaha qarxa. waxay sidoo kale baahiyeen sawirrada wixii ay gacanta kusoo dhigeen.
Madaxweyne lagu xukumay bixinta magta dad uu qarax ku dilay
Maxkamadda sare ee dalka Sri Lanka ayaa ku amartay madaxweynihii hore Maithripala Sirisena iyo afar sarkaal oo hore inay magdhow siiyaan dadkii ku dhintay weerarradii Easter-ka ee 2019-kii.
Sawirro: Kacdoonka shacabka Muqdisho oo si rasmi ah u billowday maanta
Banaanbax billow ah “Kacdoonka Shacabka Muqdisho” ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow ee magaalada caasimada ah.
Sarkaal ciidan oo dil loogu xukumay inuu fududeeyey qaraxyo
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ku xukuntay Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, kaasi oo lagu helay dambi ah inuu ku lug yeeshay qaraxyo iyo dilal ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab.
Kenya oo xafiis cusub oo siyaasadeed ka furaneysa Somaliland
Kenya ayaa lagu wadaa inay dhawaan furtaan 7 Xafiisyo Cusub ee Ergada Diplomaasiyadeed , taasi oo qeyb ka ah Dib-u-habayntii u dambaysay ee Dowladda Madaxweyne William Ruto.
Wasaaradda Caafimaadka oo mamnuucday isticmaalka labo sharoobo
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada JFS Qeybteeda Maareynta Daawada ayaa digniin ay soo saartay uga digtay Bulshada Soomaaliyeed adeegsiga laba sharoobood kuwaas oo loo adeegsada xanuunnada ku dhaca Neefmareenka.







