Ciidamada Dowladda oo kaabiga ku haya Xarardheere kaddib markii Al-Shabaab ay iskaga baxeen

Muqdisho (Raxanreeb) — Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay ku dhow yihiin degmada Xarardheere oo ay shalay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada agagaarka deegaankaasi oo ay muddo sannado badan ay ka talinayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shaaca ka qaaday in saacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan degmada, Xarardheere kadibna ay ka sameyn doonaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Xubnaha Al-Shabaab iyo saraakiishooda ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada magaaladaasi oo ka tirsan gobolka Mudug.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee degganaa magaalada ayaa lagu soo warramayaa inay si awood ah horey ugu sii kaxeysteen, waxayna la aadeen deegaanno duleedka ku yaalla oo ay haatan ka sameysteen fariisimo ciidan oo cusub.

Al-Shabaab ayaa Xarardheere waxa ay u aheyd saldhiggoodii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen gobolka Mudug, halkaas oo ay ku lahayeen xarumo muhiim ah.

Tani ayaa muujineysaa in laga sii itaal roonaanayo Ururkani, maadaama laga qabsaday saldhigyo muhiim u ahaa oo uu ugu danbeeyay saldhiggoodii weynaa ee Aadan Yabaal gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa koonfurta gobolkan ka socday dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan gobollada dhexe oo ay iskaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa malleeshiyada Macawiisleyda.

Si kastaba, ha ahaatee haatan Galmudug ayaa u diyaar garowday abaabulkii ugu danbeeyay ee Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.