Booliska Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay Muqdisho kusoo qabtay 4 nin

Booliska Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay Muqdisho kusoo qabtay 4 nin

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo sidoo kale duleedkeeda, kuwaas oo lagu soo qabtay 4 nin.

Howgalka koowaad ayaa ka dhacay degmada Howlwadaag, gaar ahaan gudaha Suuqa Bakaaraha, waxaana lagu soo qabtay laba nin oo dhac ka geysanayey halkaasi.

Taliska Booliska gobolka Banaadir oo war kasoo saaray howlgalkaasi ayaa sheegay in raggaas lagu qabtay mindiyo ay dhac ku geysaneyeen, laguna xiray saldhigga Howlwadaag.

“Ciidanka Booliska qeybta guud gaar ahaan ciidanka saldhigga Degmada Howlwaddaag oo gudanaya waajibkooda shaqo ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo ka mid ah burcad hubaysan oo dhac u geysta dadka deggan xaafadaha kala duwan ee Degmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir. Labadaan nin ayaa laga soo qabtay gudaha suuqa weyn ee Bakaraha fiidnimadii hore ee caawa, iyaga oo dadka ku dhacayay Middiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi kusii daray in ragga lasoo xiray laga qaadi doono tallaabo adag, isla-markaana loo gudbin doono hay’adaha ku shaqada leh.

Dhinaca kale ciidamada Booliska ayaa xalay howlgal kale ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo isna lagu soo qabtay laba nin oo kale.

Raggan lasoo qabtay duleedka Muqdisho ayaa ka ganacsanayey waxyaabaha maanka dooriya, sida uu shaaca ka qaaday Booliska Gobolka Banaadir.

“Ciidanka Saldhigga deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka Magaalada Muqdisho ayaa iyaguna caawa soo qabtay labo ka mid ah koox ka ganacsata waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ku iibinayay xilliga la soo qabtay goob ay ku lahaayeen Deegaanka Ceelasha Biyaha,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay Booliska Banaadir.

Waxa kale intaasi la sii raaciyay “Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir waxa uu markasta u taaganyahay sugidda Amniga caasimadda iyo deegaannada kale ee ku teedsan, si loo ciribtiro kooxda burcadda hubeysan ah iyo kuwa ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya ee dhibka ku haya Bulshada.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa caasimada ka socday howlgallo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Booliska iyo Nabad Sugidda, si looga hortago falalka amni darrada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.