NISA howlgallo ay sameeyeen kusoo qabtay Haweeney & walxaha qarxa

NISA howlgallo ay sameeyeen kusoo qabtay Haweeney & walxaha qarxa

Muqdisho (Raxanreeb) — Askarta nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howl-gal ay xalay ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir waxay shaaciyeen in ay kusoo qabteen haweeney uu gurigeeda ku keydsanaa hub iyo wax-yaalaha qarxa. waxay sidoo kale baahiyeen sawirrada wixii ay gacanta kusoo dhigeen.

Maamulka Gobolka Banadir ayaa dhowaan sheegay in hey’adaha amniga Dowladda Soomaaliya ay dhawaan billaabi doonaan, howlgallo amni oo laga sameyn doono dhammaan xaafadaha degmooyinka Muqdisho.

Meelaha sida gaar ah loo baari doono ayaa waxaa ka mid ah dhammaan guryaha kuulla caasimadda, si looga hortago Al Shabab. Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray, Cabdicasis Barrow.

Howl-gallada noocaan ah kaalin fiican maku yeelan karaan amniga caasimadda Muqdisho.?

Leave a Reply

Your email address will not be published.