Kenya oo beenisay in ay safaarad ka furaneyso Somaliland

Kenya oo beenisay in ay safaarad ka furaneyso Somaliland

Nairobi (Raxanreeb) — Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa beenisay warar la isla dhexmarayay baraha bulshada kaasoo ahaa in ay safaarad ka furan rabto Hargeysa Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya Alfret Matua, ayaa qoraal uu kusoo qoray Twitter kiisa shalay oo Jicmo ahayd ku caddeeyay in aanaysan jirin wararkaasi.

Hadalhaynta ayaa timid kaddib markii Somaliland ay kasoo muuqatay qoshe maamulka Willium Ruto Safaarad uga baddelayo xafiisyada Kenya ku leedahay 66 dal.

Somaliland, ayaa juhdi iyo dedaal dheeraad ah, galisay xiriir adag inay la yeelato waddamada gobolka oo ka mid tahay Kenya halkaasoo ay ka sameeysatay xafiiska isku xirka bishii September sannadkii 2021-kii iyadoo geysay saraakiil gaaraya illaa iyo 4 qof.

Markii uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi bishii December 2020-kii lana kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Kenya.

Kahor dhacdadaas bishii December 2020 Golaha Amniga Qaranka Kenya (NSC) ayaa bishii Maarso ku eedeeyay ciidamada Soomaaliya inay ku xadgudbeen xudduudooda dhanka waqooyi bari, ayna dhiibaateenayaan muwaadiniinta ku nool xudduuda Mandheera.

NSC waxay sheegtay falalka ay Soomaaliya ku kacday inay la micno tahay “weerar aan loo baahnayn oo ay geeysteen askar shisheeye oo u jeedkoodu ahaa in ay Kenya ka careeysiiyaan”.

Eedeeyntaasi ayaa ka danbeeysay kaddib markii magaaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ciidamado kala taabacsan dowladda federaalka iyo maamulka Axmed Madoobe oo dagaal qaraar ku dhex maray halkaasi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda ku eedeeysay Kenya in ay “hubeysay malleeshiyaad kasoo tallaabay xadka” iyo in ay faragelisay madax bannaanida Soomaaliya”.

Somaliland ayaa 1991-kii ku dhawaaqday in ay ka madax bannaantahay Soomaaliya inteeda kale haha yeeshee illaa iyi haatan ma aysan helin aqoonsi rasmi ah, halka Addunku u arko in ay katirsan tahay weli Xukuunadda Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.