Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in uu maanta khudbad ka horjeediyo kulan ay isugu yimaadeen laba Aqal Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Aqalka Sare, taas oo qabanqaabadeeda ay ka socota xarunta Villa Hargeysa.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Wasiirka Difaaca Israa’iil oo sheegay ‘ in laga yaabo in ay weerari doonaan’ Iran
Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa Arbacadii hadal weyn oo uu ku sheegay in laga yaabo in Israa’iil ay weerarto xarumaha Nukliyeerka Iran laba ama saddex sano gudahood.
Taliye Odawadaa Yuusuf oo ka hadlay ciidamada laga keenay Eritrea sida laga yeelayo
Taliyaha Ciidanka millatariga Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dalka dib ugu soo laabtay todobaadkii hore, ay dhawaan ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Militariga federaalka Itoobiya oo barito galaya caasimadda Tigrey
Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa gudaha u geli doonaan magaalada Mekele ee xarunta gobolka Tigray, maalinta barito ah.
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyadda sannadka 2023
Kulan ay maanta isugu yimaadeen labada Aqal ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Aqalka Sare ayaa lagu ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2023 oo ay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hor geysay.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho
— Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo uu ku soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Erdogan oo warqadaha aqoonsiga ka gudduumay safiirka cusub ee Israel
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Israa’iil u fadhin doona dalka Turkiga Talaadadii, iyadoo labada dal ay caadi ka dhigeen xiriirka ka dhexeeya sanado xiisad ah kadib.
Booliska Canada oo gacanta ku dhigay tuugo dhacda gawaarida Soomaalida
Booliiska Canada ayaa sheegay in uu gacanta ku dhigay Tobannaan qof oo ku eedeysan in ay yihiin Burcad Gawaarida gaarka loo leeyahay ka dhacda Soomaalida dhalashada labaad ka heysta Dalkaas.
Ururka Al-Shabaab ayaa iskaga baxay deegaanka Galcad
Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxay Galgaduud, ayaa sheegaya in Al-Sabaab isaga baxeen degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo tobannaan sano ah ay haysteen.
Xiisadda Kosovo iyo Serbia oo kasii dartay iyo Belgrade ‘oo heegan gelisay’ ciidankeeda
Ciidamada Serbia ayaa la geliyey “heegankii ugu sarreeyey,” waxaa sidaas sheegay Wasiirka Difaaca Milos Vucevic, isaga oo muujinaya xiriirka sii xumaanaya ee dalka ku yaalla Balkans-ka kala dhaxeeya dalka deriska la ah ee Kosovo.
