Taliye Odawadaa Yuusuf oo ka hadlay ciidamada laga keenay Eritrea sida laga yeelayo

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliyaha Ciidanka millatariga Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dalka dib ugu soo laabtay todobaadkii hore, ay dhawaan ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Diyaaraddii ugu horraysay ee sidday ayaa qayb ka mid ah ciidamada lagu soo tababaray Eritrea ayaa 21-kii Bishan December kasoo degtay Aadan Cadde Airport magaalada Muqdisho, waxaana xigay dhowr diyaaradood oo kale.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in illaa hadda ay soo degeen shan diyaaradood oo ciidanka sida, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada ciidamada la keenay. Wararka qaar ayaa sheegaya inay ka badan yihiin 1,000 askari tirada askarta hadda Muqdisho la keenay.

Ciidankan ayaa hadda la gayn doonaa furimaha dagaalka, sida uu sheegay Odowaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka ma uusan sheegin gobollada la gayn doono sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadan ay kaalin mugleh ka qaadan doonaan in Shabaab laga xoreeyo dhul badan oo hadda gacanta ugu jira.

Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa horey sheegay in soo noqoshada ciidankan ay muhiimad gaar ah u leedahay ummadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaandhigga, ayna dhiig cusub ku biirinayaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii kordhay iyadoo ciidamadu ay la wareegeen magaalooyin muhiim ah, Al-shabaab waxay hadda qarka u saaran yihiin inay lumiyaan guud ahaan gobollada dhexe, sida Mudug iyo Galgaduud.

Dhinaca kale, dowladda federalka Soomaaliaya iyo dowlad goboleedyada ayaa Muqdisho uga wada tashanaya sidii ay isaga kaashaan lahaayeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan sheegay in dowlad goboleedyada Shabaabka dhulkooda ay haystaan si degdeg ah looga dulqaadi doono islamarkaana dowladdu aysan marnaba shaqo kale ku mashquuli doonin illaa Shabaab laga nadiifiyo dhulka ay haystaan.

Dhanka kale maamulka Hirshabeelle ayaa lagu guuleeystay in laga saaro dhammaan magaalooyinkii ay tobonnaanka sanno ay maamuliyeen Ururka Al-Shabaab laga saaro guud ahaan gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.