Booliska Canada oo gacanta ku dhigay tuugo dhacda gawaarida Soomaalida

Toronto (Raxanreeb) — Booliiska Canada ayaa sheegay in uu gacanta ku dhigay Tobannaan qof oo ku eedeysan in ay yihiin Burcad Gawaarida gaarka loo leeyahay ka dhacda Soomaalida dhalashada labaad ka heysta Dalkaas.

Booliisku ma shaacin Dhalashada Burcadda gacantooda soo gashay balse Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in baaris dheeraad ah lagu hayo Dadkaas si loosoo taago Maxkamadda awoodda u leh kiiskooda in ay qaado.

Soomaalida Toronto degen ayaa Ciidamada Ammaanka ku wargeliyay Gawaari xatooyo looga sameeyay waqtiyo kala duwan, saraakiisha Booliiska ee dabagalka falalka noocaan ah ayaa sheegay in ay billaabeen raad-raaca dacwadda soo gaartay.

Ciidamada ayaa adeegsaday Kaamirooyinka muuqaallada duuba oo ugu dambeyn u fududeysay in ay aqoonsadaan burcadda lana soo qabto inkasta uusan Booliisku shaacin qaabka loo qabtay iyo haddii guud ahaan dadkaan marqura howlgal lagu soo wada qabtay.

Maamulka Toronto ayaa Soomaalida ka raalligeliyay dhibaatada ay u geysatay Burcadda waxaana uu ku wargeliyay in ciidamada Booliska ay ku raad-joogaan sidii loo tirtiri lahaa burcaddaas cabsida gelisay Dadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.