Ururka Al-Shabaab ayaa iskaga baxay deegaanka Galcad

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxay Galgaduud, ayaa sheegaya in Al-Sabaab isaga baxeen degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo tobannaan sano ah ay haysteen.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in inta badan Shacabka degmada ay Al-Shabaab horay u sii wateen, sidoo kalena deegaankaasi uu hadda yahay mid cidlo ah.

Sidoo kale goobjooge ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin duleedka degmada Galcad, isla markaana ay ku dhow yihiin inay la wareegaan degmada Galcad oo katirsan gobolka Galgaduud.

Ururka Al-Shabaab ayaa tan iyo bishii June lagu qaaday weeraro culus oo looga saarayo deegaannada Hirshabeelle halkaas oo ay is garansanayaan malleeshiyada Macawiisley iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Hirshabeelle ayaa si toos ah, looga saaray deegaannadaasi ayadoo haatan aysan jirin meel ay kaga sugan yihiin Ururka Al-Shabaab dhanka kale gobolka Shabeellaha Dhexe ayaana dhowr deegaan laga qabsaday Al-Shabaab halka ay harsan yihiin deegaano badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.