Militariga federaalka Itoobiya oo barito galaya caasimadda Tigrey

Mekelle (Raxanreeb) — Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa gudaha u geli doonaan magaalada Mekele ee xarunta gobolka Tigray, maalinta barito ah.

Sida laga soo xigtay lataliyaha amniga qaranka ee raysal wasaare Abiy Ahmed ,Redwan Hussain oo ka qayb galay wada xaajoodkii madaxda TPLF, ciidanka ayaa lafilayaa in ay gudaha ugalaan magaalada Mekele todobaadkan.

Sida uu dhigayo heshiiskii ay labada dhinac ku gaareen Nairobi , xoogagga TPLF ayaa hubkooda culus wareejin doona, ayuu yiri Redwan.

Isniintii ayaa ergadii ugu horeysay oo ka socota dowladda federaalka ay gaareen magaalada Mekele tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay 2 sano ka hor.

Leave a Reply

Your email address will not be published.