Labo qof ayaa ku dhintay tobannaan kun oo guryo la daggan yahay ayaa ku dhacday koronto la’aan ka dib markii uu dhul gariir cabirkiisu yahay 6.4 magnitude ruxay waqooyiga gobolka California ee dalka Mareykanka.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Haweeney 97 sano jir ah oo lagu xukumay jarmalka
Haweeney 97 jir ah oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa lagu xukumay labo sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay in ay ku lug lahayd dilka in ka badan 10,000 intii uu socday xasuuqii Holocaust.
Guddi ku taliyey in dacwad afar dambi ah lagu soo oogo Trump
Guddiga Aqalka Wakiilada Mareykanka, ee baaraya weerarkii 6-dii Janaayo 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka, ayaa Isniintii weydiistay dacwad-oogayaasha inay dacwado la xiriira afar dambi kusoo oogaan madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.
Xasan Sheekh oo sheegay xilliga la keenayo ciidamada jira Eritrea
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in dhammaan ciidamada haatan ku sugan dalka Eritrea ee tababarka loogu soo xiray halkaas ay dalka dib ugu soo laaban doonaan dhammaadka Bisha January ee sanadka 2023-ka.
Maanta oo ku beegan sannad guurada 79-aad ee Booliska Soomaaliya
20-ka December sanad waliba maanta oo kale ayaa loo dabaal dagaa xuska maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan maanta 79 sano guurada ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay Ciidanka Booliska oo ku beegneyd December 20, 1943-dii.
Ilhan Cumar oo kusoo wajahan Soomaaliya
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada dalka Maraykanka ayaa la filayaa inay timaado Soomaaliya toddobaadkan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.
Maxay tahay ciidamada cusub ee Itoobiyaanka lagu wareejiyay amniga garoonka
Waxaa isbedel lagu sameeyay Ciidamada Itoobiya ee kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo ku sugnaa sanadihii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow Soomaaliya ee gobolka Gedo.
DF oo sheegtay xubno katirsan Al-Shabaab inay gacanta ku dhigeen
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxaafadeed ku saabsan dhowr qof oo katirsan Al-Shabaab oo dhuumaaleysanayay inay gacanta ku dhigeen halka xubin sare oo Katirsan Al-Shabaabna uu isa soo dhiibay.
Maxay tahay ciidamada cusub oo la wareegay amniga madaxda sare
Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta heegan buuxa galiyay guutada ilaalada madaxda qaranka iyo hay’adaha dowladda ee VIP, si ay u kordhiyaan mas’uuliyadda saaran ee amniga madaxda iyo xarumaha dowladda.
Dalalka ka qayb galay koobka adduunka oo loo qaybinayo $440 milyan
Xulka dalka Argentine ee ku guulaystay koobka adduunka ayaa la siinayaa abaal marin lacageed oo gaareysa illaa $42 milyan oo dollar oo loo marinayo xiriirkooda kubadda cagta.


